Monday, January 22, 2007

Midowga Yurub oo ku xiray sharuud deeqda la siinayo Dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub oo ku xiray sharuud deeqda la siinayo Dowladda Soomaaliya. Mogadishu 22, Jan.07 ( Sh.M.Network) Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay gacan ka geysan doonaan maaliyadda ku baxeysa ciidamadda nabad ilaalinta ee la keenayo Soomaaliya haddii Dowladda KMG ay wadahadal la furto Golihii Maxaakiimta Islaamiga iyo qeybaha kale ee ka jira iyada oo taasi loo yeelayo nabad raadin waa sida uu sheegay madaxda gargaarka ee Midowga Yurub Louis Michel. "Xaaladda Soomaaliya waa ay ka fogtahay deganaansho, weerarkii lagu qaaday Villa Somalia oo ah halka uu jooga Madaxweyne Cabdullahi Yussuf waxuu astaan u yahay halista in lagu laabto dagaal sokeeye oo ka qarxa Soomaaliya” ayuu yiri galabta Madaxda Gargaarka Midowga Louis Michel mar uu kula hadlay saxafiyiinta Magaaladda Brussels ka dib markii magaaladaasi uu ku soo dhammaaday kulan wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Qaaradda Yurub ay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya. Mr. Louis Michel waxuu sheegay in xalka Soomaaliya lagu heli karo in is afgarasho siyaasadeed la gaaro xaaladda jira, sidaasi daraadeed waan in aan cadeeyaa in ay isku xirantahay maaliyadda aan ku bixineyno ciidamadda nabad ilaalinta iyo in la furo wadahadal iyo geedi socodka dib uheshiisiinta, ayuu yiri Lious Michel. Lacag gaareysa The 15 million euros oo u dhiganta ($19 million oo doolar) oo midowga Yurub uu horay ugu ballan qaaday in uu ku taageerayo ciidamadda nabadda ee midowga Afrika uu doonayo in uu ku badelo kuwa Ethiopia ee hadda jooga dalka, ayuu Mr. Lious Michel waxuu galabta sheegay in lacagtaasi Midowga Yurub uuu bixin doono oo keliya marka la arko dib u heshiisiin dhab ah oo ka hana qaada Soomaaliya. lacagta sidaasi u fara badan ayaa waxay keliya ku filan tahay muddo saddex bilood ah saddex cutub oo ka mid ah sagaalka cutub ee la qorsheynayo in la keeno Soomaaliya. "Waxaa Muhiim ah in la xaqiijiyo in siayaasadda Soomaaliya laga qeyb galiyo guud ahaan kooxaha doorka ku leh siyaasadda Soomaaliya oo ay ku jiraan -- hoggaamaiyaash qabaa’ilka, wakiiladda qeybaha ganacsatadda, bulshadda rayidka iyo ururadda haweenka, ayaa lagu yiri hadal; ay soo saareen wasiiradda arrimaha dibedda ee Yurub ka dib markii uu soo dhammaaday kulankooda. Mar la weydiiyay, Loius Michel waxa laga doonayo xukuumadda Soomaaliya in ay sammeyso ayaa waxuu ku jawaabay, “Waa in Dowaladda Soomaaliya ay xilkiisii u soo celisaa Guddoomiyaha Barlamaanka, marka xiga waa in ay si buuxda ama qeyb ahaan ay qaadaa xukunka deg dega, tan saddexaadna waa in ay madaxbanaanida fekerka u soo celisaa Saxaafadda” ayuu yiri Michel. Ugu dambeyntii wasiiradda Midowga Yurub waxay sheegeen in ay ka wel welsanyihiin xaaladda ka jirta Soomaaliya laakiin waxay sheegeen in ay u muuqato fursad lagu gaari karo xal waara, waxayna ku booriyeen qeybaha Soomaaliya in ay ka faa’ideystaan fursadaasi oo ay gaaraan xal siyaasadeed oo dhaameystiran. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle news in English © 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul