Saturday, January 06, 2007

Mareykanka oo soo galey Xeebaha Somalia

Malayshiyadii Xasan Turki Ayaa Ka Baxday Raas ganbooni Jan 06, 2007 By: Kismayo(jidbaale.com):- Waxaa weli socda dagaalo goos goos ah oo dhexmaraya maleeshiyooyinkii ka haray Maxaakiimta iyo Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiya. Wararka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya magaalooyinka Xeebta ku yaal koonfurta J/hoose, ayaa sheegaya in magaalooyinka Raas Kambooni iyo Buur Gaabo ay isaga baxeen maleeshiyooyinkii maxaakiimta. Wararkan ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo ay wehliyaan hogaankii sare ee Golihii Maxaakiimtii Muqdisho, ayaa la sheegay in ay hada u baxeen dhinaca deegaanada Waqooyiga ka xiga Badhaadhe. Maxaakiimta haraadigoodii ayaa baneeyey magaalooyinka Xeebaha ku yaal kadib markii ay halkaasi soo dhoobteen Ciidamada Maraykanka oo wata labo marka oo midi yahay kan Diyaaradaha xambaara. Hogaamiyaashii Maxaakiimtii looga awood batay dalka Soomaaliya ayaa ayagu weli diidan in ay isu dhiibaan xoogaga DFKMG iyo Kuwa Itoobiya ee daba jooga, ayadoo la sheegay in khasaarooyin horleh ay soo gaareen maleeshiyooyinka Maxaakiimta kadib markii ay goobihii ay joogeen duqeyn ku sameeyeen diyaaradaha dagaalka ee laga leeyahay dalka Itoobiya. Ciidamada Maraykanka Dhinaca kale warar naga soo gaaray deegaanada fog fog ee gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada Maraykanka ay qaarkood ayagoo wata diyaaradaha Qumaatiga u kaca ay kusoo degeen xeebaha koonfureed ee u dhaxeeya Xadka Somaliya iyo Kenya. Xiriir lala sameeyey magaalada Raas Kambooni oo horey xarun ugu ahaan jirtay Wadaadka Xassan Turki oo kamid ahaa Maxaakiimta Islaamiga, ayaa la sheegay in halkaasi ay si aad ah ugu soo dhawaadeen ciidamo dhinaca bada ka yimid oo la sheegay in ay yihiin Maraykan. fullpage