Friday, February 02, 2007

Sheekh Shariif oo shuruud ku xirey sii deynta 11 askari oo Mareykan ah

Shabellenews.com| Sheekh Shariif oo shuruud ku xirey sii deynta 11 askari oo Mareykan ah Sheekh Shariif oo shuruud ku xirey sii deynta 11 askari oo Mareykan ah Mogadishu 01, Feb.07 ( Sh.M.Network) Gudoomiyihii Fulinta golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo sii deyn lahaa askar badan oo Mareykan ah oo ay qabsadeen golihii Maxkamadaha islaamka. Sheekh Shariif iyo Michel Renerberger Sida uu soo daabacay wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa Imaaraadka carabta Ilo diblumaadsiyadeed lagu kalsoon yahay oo xiriir la leh Maxkamadaha islaamka ayaa maalintii shalay aheyd waxa ay u sheegeen wakaaladda wararka DPA in ka badan 4 wareeg oo wada hadal ah ay yeesheen Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaanka golaha fulinta maxkamadaha iyo Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Michel Renerberger isla markaana qaabilsan arimaha Somalia, Wada hadaladaasi ayaa waxa ay ku aadanayeen ama safiirka uu kaga codsanayay Sheekh Shariif in Maxkamadaha islaamka ay sii daayaan 11 askari oo Mareykan ah oo gacanta ay ku dhigeen maxkamadaha islaamka, ka hor 3 todobaad oo dagaal dhulka ah ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ethiopia iyo ciidamada maxkamadaha islaamka. Ilahaan oo codsaday in magacooda aan la shaacin ayaa waxa ay sheegeen in sheekh Shariif uu shuruudo ku xirey sii deynta askartaasi, iyadoo shuruudahaasi ay ka mid ahaayeen in ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan gudaha Somalia, in mareykanka uu joojiyo howlaha militari uu ka wado K/Somalia, In Sheekh Shariif laga wareejiyo dalka Kenya oo loo helo wadan kale oo amaan ah, iyadoo la filayo dalkaasi uu noqdo dalka Yemen iyo In Mareykanka uu dunida u sheego in 11 askari oo Mareykanka ah ay gacanta ugu jiraan golaha maxkamadaha islaamka. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in qodobadaan ay suurto galineyso in laga wada hadlo sii deynta askartaasi, iyadoo Sheekh Shariif uu sheegay in nabadgalyo aanu dareemeyn inta uu ku sugan yahay dalka Kenya. Ciidamadan 11 ka ah ee Mareykanka ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qabtey dagaal dhinaca dhulka ah oo Mareykanka iyo xoogaggii Maxkamadaha islaamka ku dhex maray K/Somalia, ka dib duqeyntii Mareykanka uu halkaasi ka geystay. Safiirka Mareykanka iyo Sheekh Shariif ayaa iyagu waxa ay kulamo dhowr ah ku qaateen magaalada Nairobi oo kuwaan ka horeeyay, hasayeeshee lama shaacin waxii ay ka wada hadleen iyo waxii ka soo baxay. Kulamo afar wareeg ah oo shalay dhacay ayaa waxaa la sheegayaa in ay saldhig u aheyd ka wada hadalka safiirka iyo Shariifka arimaha la xiriira sii deynta askartaasi. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle news in English © 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved