Mogadisho is burning because of this
Seems to me the So call Hawiye reached this decision in pretext to keep their human rights violation agains the non arm civilians.
Perhaps it is time to close down Mogadishu as a capital City of the Nation and just completely close down the city from the rest of the Nation. Let the civilians come out, and then Burn the city to the Ground as somoene sugested. I think that is the only way to deal with these terrorist and their suporters.
Bayaan xasaasi ah oo ka soo baxay kulan ay yeesheen beelaha Hawiye
Aqri Bayaanka
Mogadishu 20, March.07 ( Sh.M.Network) Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay dowladda KMG ah ee Somalia iyo ciidamada shisheeyaha ee ku sugan caasimadda in ay ka daayaan madaafiicda lagu ridayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, ka dib kulan ay ku yeesheen Hotel Amal Palaza ee degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira, odayaal dhaqameedyo, culuma udiin, waxgarad ugaasyo, aqoonyahano iyo dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa waxaa looga hadlay marxaladda haatan uu marayo dalka.
Kulankaan oo ah kii labaad oo ay yeeshaan beelaha Hawiye ayaa si kulul loogu cambaareeyay siyaasadaha dowladda KMG ah ee ku wajahan beelaha Hawiye.
Nabadoon Max'ed Cabdi oo ka hadlay kulankaasi ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa shisheeyaha in xasuuq aan loo meel dayin oo joogto ah ay ku hayaan shacabka beelaha Hawiye ee ku nool gobolka Banadir.
Waxa uu arinkaasi ku macneeyay mid aargoosi qabiil ah oo lagu barakicinayo dadka ka soo jeeda beelaha Hawiye ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Nabadoonka ayaa si kulul ugu nuuxnuuxsaday in beelaha Hawiye aysan faraha ka laaban doonin dhibaatooyinka lagu hayo shacabkooda maatada ah ee ku nool gobolka Banadir.
Waxa uu si kulul ugu eedeeyay Madaxweyne C/laahi Yuusuf in maleeshiyooyin beeshiisa ah uu ku soo daabulay magaalada Muqdisho si ay u dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan gobolka Banadir.
Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in aysan dhagaha ka fureysan dhibaatooyinka ka jira caasimadda Somalia iyo waliba dhibaatada bani-aadnimo oo ay ka wadaan ciidamo uu ku tilmaamay qabiil iyo kuwa shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Waxa uu ku booriyay ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka in ay dhex dhexaad ka ahaadaan xaaladda dalka Somalia oo aysan koox gaar ah aysan u hiilin, isagoo si weyn u soo dhaweeyay hadalkii dhowaan ka soo yeeray afhayeenka Midowga Africa Paddy Ankunda uu ku sheegay in aysan cid gaar ah la safneyn.
" Nabaddu ma ahan in madaafiic lagu laayo dadka ee waa in tuugada iyo burcadda dadka dhibaateeynaya laga qabto" ayuu hadaladiisa sii raaciyay.
Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay nabadoon Axmed Diiriye iyo nabadoon Macalin Max'ed Ibraahim oo si qiiro leh uga hadlay dhibaatooyinka lagu haayo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa gabgabadiisii waxaa ka soo baxay bayaan ka kooban dhowr qodob oo uu halkaasi ka jeediyay Max'ed Abshir Diiriye, waxaana uu u qornaa bayaanka sida soo socota.
Bayaanka ka soo baxay kulanka beelaha Hawiye
Ka dib marakii aan hubsanay xadgudubyadii iyo dilalkii dowladda KMG ah ee Somalia ay ka geysatay gobolada Baay oo xarun u aheyd dowladda.
ka dib markii aan aragnay xadgudubyada isugu jira dilalka, dhaca, awood sheegashada qabiilka huwan, xabsiga sharci darrada ah iyo kufsiga haweenka ee ka dhacay magaalada Muqdisho, mudada labada bilood ah ee dowladda ay ku sugneyd magaalada Muqdisho.
ka dib markii aan xaqiiqsanay ciidamada dowladda KMGa h ee Somalia ee aan sharciga aheyn kana soo horjeeda qorshaha nabadgalyada iyo xasinoonida Somalia ee golaha amaanka ee Q.M ansixiyay, kuwaas oo lagu soo gadaamay magaalada Muqdisho.
ka dib markii aan aragnay soo ifbixidda ciidamada dowladda KMG ah Somalia , kuwa Ethiopia iyo Kuwa Uganda la rabo in lagu soo weeraro magaalada Muqdisho oo hooy u ah 2.5 Million Dad ah, weerarkaasi oo ka dhalan kara xasuuq, burbur iyo barakac.
ka dib markii aan tixgalinay hanjabaadaha xambaarsan dhiilada dagaal, boobka hantida, xiritaanka idaacadaha xurta ah iyo isgaarsiinta ee Madaxweynaha dowladda KMG ah uu ku dhawaaqay.
ka dib marakii aan aragnay in Madaxweynaha uu ka cago jiiday in uu wada hadalo nabadeed la yeesho Mas'uuliyiinta maxkamadaha, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada, culuma udiinka, ganacsatada, waxgaradka umadda Somaliyeed, golihii maxkamadaha iyo siyaasiyiinta kala duwan sida hogaamiyayaasha kooxaha hubeysan ee hubka laga dhigay, kana doorbiday qabashada shir lagu maran habaabinayo beesha caalamka iyo masiirka umadda Somaliyeed.
ka dib markii aan aragnay lacagaha been abuurka ah ee faraha badan ee lagu soo daabacayo Puntland, laguna wiiqayo guud ahaan dhaqaalaha umadda Somaliyeed gaar ahaan dhaqaalaha beesha Hawiye.
Waxaanu ka codsaneynaa beesha Caalamka.
In ay si deg deg ah u soo fara galiso xaaladda ba'an ee ka taagan Somalia gaar ahaan caasimadda Muqdisho, lana joojiyo weerarada huwanta ah ee lagu xasuuqayo bulshada dagan magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo burbur naf iyo maalba leh keenay, nabadgalyada Somaliyana sii xumeynaya.
In deg deg loo joojiyo xadgudubyada dowladda KMG ah ee Somalia, kuwa ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda ay kula kacayaan dadka ku nool koonufrta Somalia.
Ugu dambeyntii waxaan u sheegeynaa beesha caalamka iyo umadda Somaliyeed ee nabadda jecel in aan ka hortageyno iskana difaaceyno xadgudubyada iyo shirqoolada abaabulan ee ay horkaceyso dowladda KMG ah ee Somalia, taasoo aan waafaqsaneyn axdiga kMG ah ee Somalia iyo xeerarka caalamiga ah midnaba, ka dib markii ay noo cadaatay in caalamka uu iska dhagatiray baaqii qeylo dhaanta ahaa ee ka soo baxay shirweynihii beesha Hawiye, taariikhdu markii ay aheyd 6-3-2007 da.
Waxaan cadeyneynaa in masiibo bani'aadnimo ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho haddii beesha caalamka aysan si deg deg ah u soo fara galin, waxna uga qaban arinta murugsan ee koonfurta Somalia.
<< Home