Saturday, January 06, 2007

Yusuf, iyo Caalamka

Dublumaasiyiin reer galbeed iyo African isugu jira ayaa maanta oo jimce ah kulanku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyagoo ka wadaxaajoonayay sidii ciidamo nabad ilaalin ah loogu soo diri lahaa dalka Soomaaliya iyo sidii gargaar badan loo siin lahaa. Kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya oo ay ku jiraan dalka maraykanka, dalal kamida Yurub ayaa shir albaabada ay u xiran yihiin ku yeeshay maanta magaalada Nairobi iyadoo kulankaasina uu Soomaaliya uga qayb galay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed oo dowladiisu ay tahay tan ku baaqday taageero militari oo deg deg ah in lala soo gaaro. Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa kulankaasi ka sheegay in fursad aan la heli Karin ay tahay in siyaasad dhab ah loo helo dalka Somalia oo ay ragaadiyeen burbur iyo saboolnimo tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Somaaliya sanadkii 1991-dii. Madaxweyne Yuusuf ayaa dublumaasiyiintii kulankaasi kasoo qayb gashay ugu baaqay inay dedejiyaan ciidamada nabad ilaalinta ee loo soo diyaro Somalia taasoo ay hore u ansixiyeen golaha amaanka ee qaramada midoobay iyo in taageero maaliyadeed dalka Soomaaliya laga siiyo dhinacyada howlaha bini’aadanimada iyo dowladiisa. Madaxweyne yuusuf ayaa kulankaasi sidoo kale ka yiri "talaabooyinkiina waxaa ay saamaxayaan in la gaaro ahdaaf aan dadka yaga qura aan ahmiyad u lahayn balse sidoo kale muhiim u ah dadka ku dhaqan gobolka iyo waliba guud ahaan" Madaxweyne C/laahi yuusuf ayaa intaasi ku daray in dowladiisu ay si wayn ugu dadaalayso inay hubka ka dhigto shacabka Soomaliyeed waxaana u yiri hada waa laga adkaaday kooxihii Islaamiyiinta ahaa wadankana sumcad daridiisa waa mid u taala markan aduun waynaha oo dhan. kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee arrimaha Afrika Jendayi Frazer, iyo madaxda kale ayaa sidoo kale waxaa ay ka wadaxaajoodeen sidii ay ay hore ugu dhaqaajin lahaayeen dadaalada dib u heshiisiinta Soomaaliya sida arimaha qabqablayaashii dagaalka, kaaba qabiilada iyo argagaxisonimada. Kenya oo kulankan marti galisay ayaa shegtay inay jireen dareen badan oo caalamiya oo ku aadan sidii ciidamo nabad ilaalin ah loogu soo diri lahaa alka Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibadda ee Kenya Raphael Tuju ayaa warfidiyeenada u sheegay in muhiimada ugu wayn ay tahay sidii dadka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa maalinba maalinta ka damcaysa. Waxaana uu yiri "waxaanu isku dayaynaa inaan intii karaankena ah aanu dadaalno iyadoo arinta ugu wayn ay tahay sidii aan taagero bini’adannimo ugu fidin lahayn dadka Soomaaliyeed" fullpage